U bood dhigaalka

Shirka Musharaxiinta oo Maanta Muqdisho Ka Furmaya

Sheeko:Dalka

Waxaa maanta lagu wadaa inuu magaalada Muqdisho uu ka furmo shirka wadatashiga qaar kamid ah Musharaxiita madaxweyne ee dalka, kuwaas oo maalmihii tagay ilaa shalay soo gaaray magaalada caasimadda ah.

Muraxiintaan ayaa waxaa kamid ah madaxweynayaashii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud, Shariif Sheekh Axmed, Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdi kariim Xuseen Guueed iyo Cabdulqaadir Cosoble.

Sidoo kale waxaa musharaxiinta maanta shira  kamid aha wasiirkii hore ee warfaafinta Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle, guddoomiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo Xasan Cali Khyre ra’iisalwasaarihii hore ee dalka.

Shirkaan ayaa lagu wadaa gabangabadiisa in looga dhawaaqo madal ay ku midaysan yihii musharaxiinta, waxaana musharax weliba oo dalka soo gaaray uu sheegay inaan cidna laga aqbalaynin in dalka ay ka dhacdo doorasho aan la isla ogoleyn , sida ay warbaahinta ka hor sheegeen.

Goobjoog News