U bood dhigaalka

Gobolka Banaadir oo Ansixiyey Miisaaniyadda 2021-ka

Sheeko:Dalka
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta meel mariyey miisaaniyad-sanadeed 2021-ka uu ku howlgalayo, kadib kulan ay maanta isugu yimaadeen maamulka qeybihiisa kala duwan, oo shir guddoon uu ahaa guddoomiye Cumar
Mas’uuliyiinta kala duwan ee gobolka ayaa cod gacantaag ah ku aqabalay, 65 Ergo, oo la horgeeyey miisaaniyadda ayaa waxaa ansixiyey Miisaaniyadda 62 Ergo, waxaa diidey  amjiraan   halka la aamuseen  3 Ergo oo kamid ahaa.
Miisaaniyadda sanadka 2021 ee Maamulka Gobolka Banaadir ee la meel mariyey ayaa noqoneysa $36,857,503.00.
Ansixinta Miisaanidda Gobolka Banaadir ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye ku Xigeenada Maamulka Gobolka Banaadir, Xoghayaha Guud ee Gobolka , Agaasimayaasha waaxyaha kala duwan ee Gobolka iyo G GB.
Goobjoog News