U bood dhigaalka

Xudur oo Xaalado Nololeed ay Ka Jirto iyo Laftagareen oo Ku Wajahan

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa maanta ku wajahan magaalada Xudur ee gobolka Bokool.

Safarkiisa magaalada ayaa waxaa uu kusoo aadayaa iyadoo xaalad nololeed oo adag laga soo warinaayo, kadib markii Al-shabab ay go’doomiyeen, waxaan jirin wax soo galayey magaalada beerihiina waxaa ku habsaday Ayax.

Bariiska oo ka mid ah cuntooyinka la quuto ayaa magaalada waxaa uu loorkii ka joogaa $80, waaba haddii la helo sida ay sheegeen dadka, gaadiid badan oo ganacsiyo kala duwan u siday magalaada ayaa la guban oo 16 gadiid ah.

Mid kamid ah hooyooyinka ku nool degmada oo la hadashay warbaahinta waxaa ay sheegtay in xaafadaha qaar si maalinle ah aan dab looga shidin, laakiin dadku ay sugaan maalin dhaaf haddiiba ay wax helayaan, waxaana ay intaa ku dartay in dadku ay ku dhow yihiin in sida dugaagii ay u dhaqmaan sida ay hadalka u dhigtay.

Mid kamid ah nabaddoonada magaalada isaga oo fariin u diraay madaxda qaranka  waxaa uu sheegay in gobolka Bokool uu kamid yahay 18 gobol ee dalka mas’uuliyadna ay ka saaran tahay, waxaana uu ku goodiyey haddii dowladda iyo Koonfur Galbeed aysan tilaabo qaadin in ay ku biirayaan Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Koonfur Galbeed ayaa ku guuldareystay in ay xudur u furaan waddooyinka soo gala ee ka yimaada gobollada Bay iyo Hiiraan si  ay raashin ay u helaan, mas’uul weliba oo heer federal ama gobol ayaa diyaarad ku tago magaalada.

Goobjoog News