U bood dhigaalka

Dhuusamareeb: Khasaare Ka Dhashay Qarax Lala Eegtay Taliye Xigeenka Ciidanka Lugta

Sheeko:Amniga

Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug ayaa sheegaya in qarax lala eegtay gawaariga taliye xigeenka ciidamada lugta Xuseen Xoosh.

Ugu yaraan labo askari oo ciidankiisa ah ayaa la sheegayaa iney ku dhaawacmeen  qaraxa, lamana oga cidda ka dambeysay.

Arrintan ayaa imaaneysa saacado kadib markii hoobiyeyaal lagu garaacay xarunta Galmudug ee Dhuusamareeb halkaas oo ay ku sugan yihiin madaxweyne Farmaajo, ra’isul wasaare Rooble iyo madaxda kale ee Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur galbeed.

Goobjoog News