U bood dhigaalka

Dhuusamareeb 4: Madaxweyne Madoobe oo Labo Qodob Ku Adkeysanaya

Wararka ka imaanaya shirka caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb uga socda Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo madaxda dowlad goboleedyada ayaa sheegaya inuu qarka u saaran yahay burbur iyo kala carar, kadib markii uu Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ku adkeystay labo arrin, Farmaajana aanu weli tanaasulin.

Madoobe ayaa Farmaajo iyo madaxda kale hordhigay in ay tahay in loo ogolaado inuu:

(1). Magacaabo Mayor-ka ama duqa gobolka Gedo iyo inuu maamulo gobolka, awoodna u yeeshaan hawlahooda.

(2). In guddiyada doorashada dadban ee dhinacyadu magaacaan ay la shaqeeyaan Mayor-ka uu Madoobe magacaabo.

Dhankiisa, Madaxweyne Soomaaliya Farmaajo ayaa waxaa muuqato in uu tanaaasul ka muujiyey meelo badan balse uu ku dheggan yahay Gedo, arrintaas oo dedejin karta in Madoobe uu qaadhaco shirka, kuna laabto Kismaayo.