U bood dhigaalka

Wadahadalkii Guddoomiye Xaashi iyo Guuleed oo Burburay, Akhriso Sababta

Guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi ayaa niyadjab ka muujiyey xaaladda xulista guddiga dadban ee doorashada Somalinad.

Guddoomiye Xaashi waxaa uu sheegay in doorasho qeybta Somalinad loola dhaqmo si ka duwan maamullada kale, lagana reebay shirkii Dhuusamareeb.

Xaashi waxaa uu leeyahay Farmaajo waxaa uu ku dadaalayaa in kooxdiisa ay qaataan dhammaan kuraasta Somalinad si ay u fududaato dib u doorashadiisa.

Mudane Xaashi ayaa sheegay in 4-tii bishan uu gurigiisa kusoo booqday Mahdi Guuleed kana codsaday inuu soo magacaabo sadex xubin oo guddiga loogu daro, isauguna uu u sheegay arrinta in guddi ka weyn tahay.

Xaashi ayaa ugu dambeyntii soojeediyey in la helo

1. In la helo maamul iyo hoggaan qaban kara doorasho hufan.

2. In la dejiyo hab raacyo u ogolaanaya guddiyada doorasho ee heer dowlad goboleed iney waajibkooda u gutaan si waxtar leh.

In la helo hannaan wacan oo xiriira hubinta kootada haweenka.