U bood dhigaalka

Akhriso: Sida Dubbe iyo Madoobe Isugu Eedeeyeen Fashilka Shirka Dhuusamareeb 4

Waxaa fashil ku dhammaaday shirkii Dhuusamareeb 4, oo muddo saddex maalin ah ka socday caasimadda Galmudug.

Haddaba, wasiirka warfaafinta ee DF Cismaan Dubbe iyo madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa midba mid kale ku eedeeyey fashilka shirka.

Ugu horreyntii, Cismaan oo xalay shir jaraa’id ku qabtay Dhuusamareeb ayaa waxaa uu ka hadlay in guddiyada lagu muransanaa laga saari doono doorashada isaga oo yiri ‘ Arrinta guddiyada, madaxweynaha iyo ra’isul wasaaraha waxaa ay ogolaadeen ciddii wax ka qabta guddigu doorashooyinku ay furantahay, oo ay keeni karaa xafiiska ra’isul wasaaraha oo qaabilsan guddiyada xubintan waxaan ku eedeyneynaa waxan iyo waxaa ama waxan hanagala badalo, taas oo la isla qaatay weliba iyada oo gar loogu laheyn, hadana xkuumaddu waxay aqbashay qofkii Commission ee cabasho laga keeno ama dhexdhexaadnimadiisa su’aal laga keeno, inuu ciidan yahay ama inuu shaqaale yahay

Arrinta gobolka Gedo: Mar uu Dubbe ka hadlay Gedo waxaa uu sheegay in Madoobe wax laga wadi waayey isaga oo gacan shisheeye ka hadlay, waxaa uuna yiri ‘Waxaa lasoo jeediyey inta aan maamul la sameynin in dib u heshiisiin la sameeyo, arrintaa maamulka Jubbaland ma aaney gar waaqsan, waxaa lasoo jeediyey in doorashada maamulaan oo degmada Garbahaarey tagaan ciidamo booliiska oo ka socda AMISOM, taana wey diideen, waxaa lasoo jeediyey in loo diro guddi xaqiiqo raadin ah oo ka socda wasiirrada arrimaha gudaha ee maamul goboleedyda  si ay usoo ogaadaan mushkiladda, arrintaana weydiideen, waxaa aad loo tuhunsan yahay in arrintu ay dhaafsiinsan tahay inta inoo muuqata, oo dad shisheeye ay dabada ka riixayaan arrintani in aaney si fudud u dhammaanin’.

Kuraasta Somaliland waxaa uu Cismaan Dubbe ka yiri ‘ Doorashada waxaa ay ka dhacdaa Muqdisho, waxaana maamula DF oo ah xukuumadda dhexe ee Soomaaliya, waxaa soo baxday guddoomiyaha aqalka sare in la yiri, guddiyada doorashooyinka talo halaga siiyo, xubnana hala siiyo, iyada oo aanu ku jirin heshiiskii 17-kii September, iyada oo aan xildhibaan xaq u laheyn in si gaar ah wax loo siiyo,iyada oo aaney qancineynin qabaa’ilka kale, iyada oo qofku laheyn imkaaniyaad guddi ku maamulo,  hadana xukuumadda waxay u tanaasushay guddiga dhexdhexaadinta iyo madaxda maamulka goboleedka in Cabdi Xaashi la siiyo 4 xubin oo guddiga doorashada, hadana waa uu diiday xubnahaas 40% ka ah guddiga’.

Dhankiisa, madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in Farmaajo uu isku dhejiyey gobolka beeshiisa, isaga oo isweydiiyey madaxweynaha waqtigiisu dhacay sida uu ku noqon karo madaxweyne Soomaliyee.

Madoobe, mar uu ka hadlayey arrinta Gedo waxaa uu yiri’ Arrinta Gedo waxaan horay Garoowe u soo jeedinay in Garbahaarey maamulkeeda, guddoomiyaha degmada iyo gobolka iyo booliis la keeno Jubbaland ah, maamulkaas lala shaqeeyo, gobolka intiisa la kalana laga qaado guddiyo iyo marxalado lagu gaarsiinayo dib u heshiisiin, oo maamul isku dhafan aan u sameyno.

Markii shirka la yimid, waxaa nimid Samareeb 4, shirkii ugu horeeyey ee aan galno, madaxweynihi waxaa uu yiri ‘Puntland iyo Jubbaland ayaa shirka soo dalbaday, ee iyagu ha sheegeen waxa laga wada hadlayo, yacnii maba aheyn madaxweyne mas’uuliyad saran, ma aheyn madaxweyne caqabadda taagan iyo waddanka meesha u socdo, waxaan ku niri, madaxweynow saddexdan caqabad ayaa taagan, saddexdii qodob waxaa la yiri guddi haloo saaro’.

Arrinta Guddiga iyo Somaliland waxaa uu madaxweyne Madoobe ka yiri ‘Aniga, guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo ra’isul wasaaraha waxaa nala yiri kasoo talo bixiya arrimaha Somaliland iyo guddiyada, waxay noqotay inaan khadka soo gelinno guddoomiyaha aqalka sare iyo ra’isul wasaare ku xigeenka oo aan ku niri adinka ka shira, isu taga oo go’aan nasoo siiya, tii kale waxaan go’aan ku qaadannay in laga saaro dhammaan wixii cabasho ay ka jirto  ama ha noqoto ciidamo ama ha noqoto shaqaalaha;

Mar uu soo hadalqaaday Axmed Madoobe arrinta Gedo waxaa uu yiri’ Arrinta Gedo wax walba ayaan isku deynay, in dib u heshiisin la sameeyo, oo gacanta Jubbaland lagu so celiyo inta hannaanka kale uu socdo, madaxweynhu waxaa dhacday inuu isku kobo sheegasho hal gobol iyo hal deegaan oo Soomaaliya ah, oo degmo ka mid ah oo gobolka Gedo ah oo kuraas taalo uu yiraahdo aniga uunbaa ka talinayo, hadaba madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday, seebuu Soomaaliya u xukumi karaa haddiii uu isku koobay degmada beeshiisa?

Goobjoog News