U bood dhigaalka

Prof Shirwac” Waa Nasiib Darro In Shacabka Oo Rejo Ka Qabay Shirkii Dhuusmareeb Ay Maqlaan Fashilka Madaxdii Shirsanayd “

Sheeko:Amniga

Prof Cabdullaahi Maxamed Shirwac oo ah Gudoomiyaha Hay’adda Tubta Nabadda, ayaa shegay in wax laga xumaado ay tahay in shirka dhuusamareeb oo rajo laga qabay uu ku soo dhamaado Fashil .

Shirwac ayaa sheegay in ay jirto dhowr nooc oo lagu xalin karey tabashooyinka gobalka gedo ee la sheegay in ay aheyd sababta keentay in lagu kala tago shirka Dhuusamareeb.

Prof Shirwac oo si gaar ah ula hadlay Goobjoog News ayaa yiri ” Waa nasiib darro in shacabka oo rejo ka qabay shirkii Dhuusmareeb ay maqlaan fashilka madaxdii shirsanayd ”

” Arinta Gedo fashil iney keento ma aheyn waxaa loo xalin karaa Siyaabo kala duwan Kismaaya lagu xalin karaa in doorashadu ka dhacdo , garbahaarey loo kaadiyo” .

“Haddii taasi aysan qeeybaha isheysta aysan u cuntameynin Garbahaarey baa waxaa la geeyn karaa Booliis Soomaaliyeed oo ay kaabayaan ama ay gacan siinayan Booliiska AMISOM ”

“Madaxda hadda joogtana magaalada waalaga qaadaya , marka guddiga doorashada Jubbaland ayaa imaanaya guddigaas ayaana doorashada meesha ka qabanaya marka taasna waala yeeli karaa “.