U bood dhigaalka

Maxay Tahay Ajendeyaasha Ay Kala Wataan Dowladda iyo Mucaaradka ee Shirka Décalé?

Sheeko:Amniga

Waxaa maanta lagu wadaa in dhinacyada dowladda federaalka ah iyo musharaxiinta ay ku kulmaan magaalada Muqdisho si xal looga gaaro ismariwaaga.

Wararka ayaa sheegaya in dhexdhexaadin ay wadeen odeyaal iyo dad kale ay dhanka dowladda u matali doonaan ra’isul wasaare Maxamed Rooble iyo madaxweynayaasha Galmudug Axmed Qooroor  iyo Hirshabelle Cali Guudlaaw iyo musharaxiinta oo dhanka kale ah, waana kulan qado ah oo ka dhcaya Décalé oo ah hotel ku yaala gudaha Airportiga.

Ilo xog-ogaal ah oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegaya in ajendayaasha ay wataan mucaaradka ay ka mid yihiin:

  1. In Cudurdaar laga bixiyo, lana ciqaabo taliyeyaashii hey’adaha amniga ee weerarkii February 19
  2. In guddi madaxbannaan loo soo saaro baarista wixii dhacay February 19
  3. Iney dibadbaxa la fasaxo
  4. Iney mucaaradka iyo bulshada rayidka qeyb ka noqdaan shirka wadatashiga
  5. In shirka loo sameeyo korjoogteyaal beesha caalamka
  6. In shirka lagu qabto goob ammaan ah,
  7. In la dhiso gole fulinta heshiiska
  8. In la xalliyo cabashada ka taagan kuraasta waqooyi, oo loo madaxbanneeyo.
  9. In ra’isul wasaaraha xil gaarinta uu sii wado hawlaha xilliga kala guurka.

Dhanka kale, ilaha  xog-ogaal  ee la hadlay Goobjoog News waxaa ay sheegayaan in dhanka dowladda ay wataan in dibadbaxa berri dib loo dhigo, oo maalin kale laga dhigo, iyaga in mucaaradka kala shaqeeyaan arrimaha doorashada iyo saxiixa natiijada shirka Baydhabo ee guddiga farsamo ee 15-16-ka February 2021.

Goobjoog News