U bood dhigaalka

Midawga Musharixiinta Oo 9 Qodob Cabasho ah ka Gudbiyay Farmaajo

Sheeko:Amniga

Golaha Midawga Musharixiinta ayaa warqad ay u direen Beesha caalamka waxa ay madaxweeynaha Waqtigiisa dhamaaday Farmaajo .

Qoraalka ka soo baxay Musharixiinta ayaa looga dalbaday qodobo ay ka mid yihiin in xilalka laga qaado taliyayaasha ciidamada ee ka midka ahaa werarkii jimcihii la soo dhafay musharixiinta lagu qaaday , iyadoo midawga ay ka dalbadeen Saaxiibada Soomaaliya in Ciidamada Haramacad laga saaro ilaalinta ammaanka Doorashada .

Hoos Ka Akhriso Qodobada Musharixiinta ay U Gudbiyeen Beesha Caalamka.

1: In baaris madaxbanaan lagu sameeyo weerarkii lagu qaday hotelkii ay daganayeen madaxweeynayaasha iyo werarkii lagu qaaday banaanbaxayaasha ee isugu jiray shacabka iyo hogaanka mucaaradka.

2: Madaxweeynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullahi Farmaajo waa in uu awoodiisa ku wareejiyo gole qaran oo ku meel gaar ah.

3: waa in laga heshiiyo howlaha uu muranka uu ka tagan yahay sida :

a: gudiyada doorashada

b: kuraasta somaliland

c: Arrinta Gobalka Gedo

4: golaha midawga musharixinta waa in ay si toos ah uga qeyb galaan gola wada tashiya doorashada .

5:waa in la helo fur furnaan xagga siyaasadda ah oo ay ku jirto si xor ah in loo dibad baxo, qabsashada kulamada , ol olayaasha , safarka , xoriyadda hadalka iyo in loo sinaado warbaahinta Qaranka .

6: Taliyaashii Militeriga, booliska iyo sirdoonka ee ku lug lahaa weeraradii lagu qaday mucaaridka waa in la casilaa , lana magacabo taliyayaal cusub oo aan ku lug laheyn siyaasadda.

7: Booliiska oo laga saaro Haramacad iyo AMISOM, waa in ay masuul ka noqdaan amniga doorashada .

8:Jadwalka cusub ee doorashada waa in uusan dhaafin 60 maalmood iyo in beesha caalamka ay damaanad qaaddo fulinta arrimaha lagu muransan yahay .

9: In kulamada soo socdo lagu qabto meel amni ah .