U bood dhigaalka

Golaha Ammaanka Oo Saraakiil Ka Tirsan Al-shabaab ku Soo Rogay Cunaqabateyn

Sheeko:Amniga

Kadib codsi Golaha Ammaanka QM uga yimid dowladdaha Soomaaliya iyo Mareykanka , ayaa cuna qabteyn loogu soo rogay saraakiil sar sare oo ka tirsan ururka Al-shabaab ee ka dagaalamada Soomaaliya .

Saraakiisha cunaqabateynta lagu soo rogay ayaa gaaraya illaa seddax sarkaal oo ka tirsan Al-shabaab waxa ayna kala yihiin :-

1:Abuukar Cali Aadan,

2: Macalin Ayman &

Mahad Karataay, kuwaas oo xilal waaweyn ka haya  Al-Shabaab.

Seddaxdaan shaqsi ayaa xubnaha Golaha Ammaanka ay isku raaceen in xayirado dhan walba ah lagu soo rogo ,iyadoo lagu soo daray liiska Argagaxisa QM .

Erica Barks-Ruggles  oo ah sarkal ka tirsan waaxda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa ayaa ku tilmaamay in ay tahay arintaan taallabo dhanka xasiloonida iyo nabadda Soomaaliya loo qaaday.