U bood dhigaalka

Mareykanka Oo Sheegay In Dhaxal Sugaha Sacuudiga Maxamed Binu Salmaan Uu Bixiyay Amarkii Lagu Dilay Wariye Jamal Khashoqji

Sheeko:Amniga

Fiidnimadii Jimcaha Xoghayaha Arimaha Dibada ee Mareykanka Anthony Blinken ayaa ku dhawaaqay “xanibaadda shaqsiyaadka ku lugta lahaa falalka ka dhanka ah mucaaradkii wariye khashiqji.

Blinken wuxuu sheegay in wasaaradu xayiraad dhanka fiisaha ah kusoo rogtay 76 sarkaal oo sucuudiyaan ah. Xoghayaha ayaa carabka ku adkeeyay in Mareykanku uusan u dulqaadan doonin hanjabaadaha iyo weerarada Sacuudiga ee ka dhanka ah mucaaradka iyo saxafiyiinta.

Go’aanka ayaa yimid kadib markii sirdoonka Mareykanka ay si sayeen warbixin dowladda Sacuudiga la xiriirisay dilkii weriye Jamal Khashoqji ee 2018.

Isla jimcihii Maamulka Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden wuxuu soo saaray nuqul qarsoodi ah oo ka mid ah warbixinta CIA-da ee ku saabsan dilkii wariyihii Sacuudiga u dhashay ee Jamal Khashoqji ee 2018. Warbixinta ayaa lagu sheegay in Amiirka leh dhaxalka Boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan uu ogolaaday ayna u badan tahay inuu amar ku bixiyay dilka saxafiga mucaaradka ku ahaa boqortoyada Sacuudiga ee Jamal Khashoqji sanadkii 2018.

Warbixinta ayaa tilmaamtay in amiirka dhaxal sugaha Sacuudiga uu u arkay Khashoqji inuu khatar ku yahay boqortooyada, uuna si weyn u taageeray rabshadaha.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa ku sheegay waraysi uu maalintii jimcaha siiyay muuqbaahiyaha UNIVISION inuu u sheegay Boqorka Sacuudiga Salman bin Abdulaziz in Washington ay kula xisaabtami doonto xadgudubyada xuquuqda aadanaha.

Tallaabooyinka Biden ee toddobaadyada ugu horreeyay maamulkiisa waxay umuuqdaan kuwo uu uga golleeyahay inuu ku fuliyo ballanqaadyadiisii xilligii ololaha ee ahaa in uu dib eegis ku sameen dooni xiriirka Sacuudiga ka dib markii dadka dhaleeceeya ay ku eedeeyeen madaxweynihii isaga ka horreeyay, Donald Trump, inuu marin-habaabiyey xadgudubyada halista ah ee xuquuqda aadanaha ee Sacuudiga.

Xiriirka labada dal ayaa aad waxa uhareeyay sanado badan dagaalka Yemen iyo dilka saxafigii Khashoqji ee ka dhacay gudaha qunsuliyada Sacuudiga ee Istanbul, Khashoqji wuxuu degenaa Mareykanka wuxuuna wax u qori jiray Washington Post.