U bood dhigaalka

Faah Faahin: Qarax Geystay Khasaare Kala Duwan oo Ka Dhacay Muqdisho

Sheeko:Amniga

Waxaa Faah faahinno dheeraad ah laga helayaa qarax geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo goor dhoweyd ka dhacay agagaarka waddada Cabdi Qaasim ee magaalada muqdisho, waxaana qaraxa lala eegtay gaari ay socdeen ciidan ka tirsan Mileteriga Soomaaliya.

Sida ay sheegeen dadka deegaanka qaraxaan ayaa ahaa miino waddada dhinaceeda la dhigay, waxaana la sheegay inay waxyeelo ka soo gaartay askar la socotay gaari Cabdi Bile ah oo qaraxa lala eegtay

Ugu yaraan 3 qof ayaa la sheegay inay qaraxaasi ku dhinteen kuwaas oo laba ka mid ah ay yihiin askar ka tirsan ciidanka dowladda iyadoo dhinaca kale ay ku dhaawacmen laba ruux.

Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya ayaa soo gaaray goobta ay wax ka dhaceen iyagoo halkaas ka bilaabay baaritaano aan lahayn wax natiija ah.

Waddada Cabdi Qaasim ayaa noqotay waddo ay ku soo noq noqdeen qaraxyada miinooyinka ah ee la dhigo waddada dhinaceeda mana jirto tallaabo ay qaadeen laamaha amaanka ee dowladda federaalka ah.

Goobjoog News