U bood dhigaalka

Qeyla Dhaan Ku Saabsan Gobalka Tigre Oo Ka Soo Yeertay Mareykan

Sheeko:Amniga

Xoghayaha Arimaha Dibada ee Mareykanka Anthony Blinken ayaa ugu baaqay Midowga Afrika iyo saaxiibada kale ee caalamiga ah inay gacan ka geystaan ​​sidii wax looga qaban lahaa qalalaasaha ka taagan gobolka Tigray ee waqooyiga Itoobiya.

Blinken wuxuu cambaareeyay gabood falka lagu soo waramayo in laga gaystay Tigray, isagoo tilmaamay inay kaniyad jabeen sida ay dalalka deriska ah ee Itoobiya iyo Eriteriya ula macamileen xaaladda, oo uu ku tilmaamay dhibaato bani’aadanimo oo ka sii daraysa.

Wuxuu muujiyay “walaaca weyn ee Mareykanku ka qabo xadgudubyada uu sheegay, iyo xaalada guud ee ka sii daraysa ee gobolka Tigray ee Ethiopia.”

Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka wuxuu yiri, “Waxaan ka codsaneynaa saaxiibada caalamka, gaar ahaan Midowga Afrika iyo saaxiibada gobolka, inay nagala shaqeeyaan si aan uga hortagno dhibaatada ka taagan Tigray, oo ay Qaramada Midoobay iyo hay’adaha kale ee ay quseyso ay udhaqaqaan.”

Hadalkaan ayaa yimid ka dib markii Amnesty International ay soo saartay warbixin ay ku eedeyneyso in ciidamada Eriteriya ay boqolaal rayid ah ku dileen gobolka Tigray 24 saac gudahood sanadkii la soo dhaafay, dhacdadaan ayey hay’addu ku tilmaamtay inay suuragal tahay inay gaarto heerka dambiyada ka dhanka ah aadanaha, halka Eritrea iska fogaysay eedeymahan.

Waxaa xusid mudan in ciidamada dawlada Itoobiya ay bishii Nofeembar ee la soo dhaafay, xarunta gobolka Tigreega, Mak’ele kala wareegeen xoogag daacada u ah xisbiga TPLF, oo ay dawlada dhexe ku eedeysay in ay weeraree fariismo ay ku suganayeem millatryga faderaalka.