U bood dhigaalka

Farmaajo oo Afisyooni Kula Kulmaya Deni iyo Madoobe, Mahaddeede Waxaa Leh Beesha Caalamka

Sheeko:Amniga

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa lagu wadaa inuu maanta shir kula qaato xerada Afisyooni madaxda maamul goboleedya iyo gobolka Banaadir, oo ay ku jiraan markii ugu horreysay madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubbaland, arrintaas oo ay suurto-gelisay beesha caalamka.

Shirkan ay isku hor fariisanayaa Farmaajo, Deni iyo Madoobe ayaa imaanaya kadib markii ay fashilmeen shirar uu isla xerada kula lahaa ninka hore maamul goboleedyada isaga taageersan, waana 2 bil kadib markii uu Farmaajo kasoo cararay shirkii Dhuusamareeb 4.

Wararka qaar ayaa sheegaya in laga heshiiyey ilaalada goobta iney la wareegaan AMISOM halka ilaalada gaarka ah ee dhinacyada shiraya ay dibadjoog noqon doonaan.

Haddii sida beesha caalamka rabto ay wax u dhacaan, shirkan ayaa lagu wadaa inuu horudhac u noqdo mid weyn oo la filayo in lagu dhameystiro doorashada gaar ahaan heshiiskii September 17 iyo war murtiyeedkii guddiga farsamo ee ku shiray Baydhabo February 15-16, iyada oo Deni iyo Madoobe ay soo kordhiyeen ajendeyaal kale oo iyada iyo guud ahaan madasha badbaado qaran ay ka wataan, taasi oo horseedi doona in la furo heshiiska hore.

Arrimaha shirkan kala soco, halkan.

Goobjoog News