U bood dhigaalka

Khasaaraha Soomaaliya Kasoo Gaaray Covid 19 oo Lagu Qiyaasay $186 Milyan iyo Kobacii oo hoos u tagay 1.5%.

Sheeko:Amniga

Warbixin ay si wadajir ah usoo saareen dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey ayaa lagu sheegay in Covid 19 dartii ay Soomaaliya khasaartay $186 Milyan halka kobaca dhaqaalaha oo la filayey 4.4%  uu gaaray hoos ilaa 1.5%.

Qiimeyntan oo ay soo saareen wasaaradda qorsheynta ee dowladda federaalka ah iyo hey’adda qaramada midoobey ee UNDP  ayaa sheegay in saameynta abaartii 2017-kii la sii dareemi doono sanadaha soo socda.

Sida warbixinta ku qoray, isla Covid 19 dartii, Soomaaliya waxaa kale oo ka luntay fursad kale oo ay ku sameyn kartay kobac dhaqaale oo gaaraya ilaa US$ 300 million.

“Xilligan, waxay umuuqato in COVID-19 uu yeelan doono saameyn aad uga dsaran abaartii 2017. Dhibaatooyin hore sida xannibaadaha dhoofinta, abaaraha, macluusha, daadadka iyo amni-darrada ayaa saameysey qeybo ka mid ah dowladda federaalka ah”, waxaa lagu sheegay qeybo ka tirsan warbixinta.

Arrimaha kale ee qoraalka ku jiray waxaa ka mid ahaa in dhoofintii ay hoos u dhacday  37% oo ay xoolaha gaartayba ilaa 50%, halka IMF oo kobaca dhaqaalaha ee 2020-ka ku qiyaastay inuu gaari doono ilaa 4.4% uu jiray inuu hoos gaaray ilaa 1.5%..

Goobjoog News