U bood dhigaalka

Maleeshiyaad Isku Ballaariyey Bariga Muqdisho iyo Dibadbaxyo socda

Sheeko:Amniga

Maleeshiyaad deegaanka ah oo kasoo horjeeda muddo kordhinta Farmaajo ayaa  lagu waramayaa iney isku ballaariyeen bariga Muqdisho.

Weriyaha Goobjoog News oo soo indho-indheeyey qeybo badan oo ka tirsan bariga caasimadda ayaa sheegaya in ciidamo ku labisan dharka ciidanka militariga balse sheegay iney kasoo horjeedaan muddo kordhinta ay isku ballaariyeen Mirinaayo, qeybaha Cabdicaziz iyo Kaaraan, Siisii iyo Fagax.

Ciidamadan ayaa la sheegayaa in ay kasoo baxeen qeybo ka tirsan shabeellada dhexe, lamana oga tiro ahaan inta ay la egyihiin.

Dhanka Fagax waxaa la sheegayaa in uu hadda ka socdo dibadbax looga soo horjeedo muddo kordhinta Farmaajo, iyaga oo dadka ku dhawaaqaya erayo ay ka mid yihiin “Doonimeyno Farmaajo” iyo erayo kale.

Arrintan ayaa imaaneysa kadib markii 12-kii bishan ay qeyb ka tirsan golaha shacabka ay Farmaajo 2 sano ugu dareen, taasi ay ka hor yimaadeen saamileyda siyaasadda iyo xataa beesha caalamka.

Goobjoog News