U bood dhigaalka

Khasaaraha iyo Xaaladdii ugu Dambeysay ee Dagaalkii Farmaajo iyo Mucaaradka Muddo Kordhinta

Sheeko:Amniga

Ugu yaraan 10 qof oo dhaawac ah ayaa la sheegayaa in uu ka dhashay dagaal u dhaxeeyey Farmaajo iyo mucaaradka diidan muddo kordhinta kaas oo Muqdisho ka dhacay galabnimadii Axadda ilaa xalay xilli dambe, iyaga oo Aamin Ambulance ay Goobjoog News u xaqiiijyeen iney qaadeen saddex dhaawac ah iyaga oo ka sheegtay caqabado xagga socodka ah.

Dagaalkan oo ka kala dhacay bariga iyo koonfurta caasimadda ayaa dhacay xilli subaxnimadii shalay ay ciidamo ka tirsan militariga Soomaaliya oo ka yimid Shabeellada dhexe oo diidan muddo kordhhinta Farmaajo ay la wareegeen qeybo ka mid ah bariga Muqdisho oo ay ku jiraan Kaaraan, Yaakhshiid iyo Cabdicasis.

Xiisadda oo xoogeysatay waxaa ka dhashay in ciidamo dowadda ah oo isugu jira Duufaan iyo Gorgor ay weerar ku qaadeen Mirinaayo ee bariga Muqdisho  gaar ahaan guriga madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud taas oo lagala hortagay iska caabin xoog leh.

Waxaa intaas xigay in qeyb kale oo ciidamada dowladda gaar ahaan booliiska Haramcad ay xalay weerar ku qaadeen hoyga Cabdiraxmaan Cabdishakuur, taasi oo keentay in uu dhaco dagaal ka bilowda koonfur Muqdisho, oo ay ku biireen ciidamo hor leh oo dhanka Mucaaradka ah, waxaa uuna dagaalka socday ilaa xilli dambe oo xalay.

Labadaas weerar ay ciidamo dowladdu ku lug lahaayeen, laguna beegsaday mucaaradka diiddan muddo kordhinta uu sameystay Farmaajo waxaa ay Muqdisho galiyeen xaalad welwel  halka ay sidoo kale mid ah la mid ah sheegeen qaramada midoobey.

Weriyeyaasha Goobjoog News ayaa saaka soo indho indheeyey qeybo ka mid ah Muqdisho ayaa sheegaya in ciidamo ka gadooday ay dowladda ay hadda joogaa laga soo bilaabo isgoyska Dabka ee Halwadaag ilaa Hodan oo ay ku jiraan Shanta Geed, Isgoyska Bakaaraha, Taleex iyo Tarabuunka.

Dhanka kale, waxaa xiran isu socodka magalaada iyaga oo dadka ay cabsi dareemayaan, qaarna ay isaga qaxeen goobaha furimaha ah.

Waxaa sidoo kale saaka xiran dhammaan jaamacadaha Muqdisho iyada oo ardeyda loo sheegay in fasax yihiin ilaa amar dambe.

Ra’siul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Rooble oo ka hadlay dagaalka ayaa faray ciidanka iney dhowraan amniga shacabka,  kana hor tagaan khatarta isaga oo intaa raaciyey in wada hadalku uu yahay jidka ugu haboon ee lagu dhameeyo ismariwaaga.

Dhankiisa wasiir amniga Soomaliya Xasan Xundubay ayaa ku tilmaamay dagaalada Magaalada Caasimada ee Muqdisho ka dhacay mid shisheeye abaabulay.

Goobjoog News