U bood dhigaalka

Seddax Qof Oo Ku Dhimatay Qarax ka Dhacay Muqdisho

Maajo 5, 2021

Wararka naga soo gaarayo degmada Kaxda ee gobalka Banaadir ayaa sheegaya in goordhaw uu halkaas qarax ka dhacay .

Qaraxa oo ahaa miinada nuuca dhulka lagu aaso ayaa waxaa lala eegtay gaari nooca raaxada ah ee loo yaqaano SURF .

Inta la xaqiijiyay  Seddax qof ayaa ku dhimatay Qaraxa , kuwaas oo dhamaantood saarnaay gaariga  Miinada ay la kacday , halka dhaawac uu ka soo gaaray Haweeney goobta ka ag dhaweyd .

Wixii faahfaahin ah ee ku soo kordha warkaan kala Soco GoobJoog News