U bood dhigaalka

Jamaacadda Carabta Oo Soo Dhaweysay Soo Laabashada Xiriirka Diblomaansiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya

Sheeko:Amniga

Ururka Jaamacadda Carabta ayaa soo dhaweeyay xiriirka diblomaansiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya iyo in dib loo soo celiyo saaxiibtinimadii , Is-ixtiraadimadda madax banaanida labada dhinac .

Afhayeen u hadlay Ururka Jaamacadda Carabta ayaa waxa uu amaanay dadaalada uu ururka ku bixiya soo celinta xiriirka labada dal, gaar ahaan xiriirkii dowladda Qatar ee ugu dambeyay .

Ugu dambeyntii  Jaamacadda Carabta ayaa labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya ugu baaqday in ay ka wada shaqeeyaan soo celinta xiriir dhameystiran oo ilaalinaya Maslaxadda labada dal iyo Amniga Gobalka .

GoobJoog News