Xukuumadda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay warar sheegaya in Dowladda ay qorsheyneyso in dib maxkamadda looga soo celiyo dacwadda Muran xuduudeedka Badeed ee Soomaaliya iyo Kenya .
Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa sheegay in kaliya ay sugi doonaan go’aanka Maxkamadda Cadliga ee ICJ .
Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu ku sheegay in dhageysiga muranka la soo gaba gabeyay waxa ay sugayaanna ay tahay Go’aanka ugu dambeya ee Maxkamadda .
Muranka badda waxaa soo afjari doonta Maxkamadda ICJ , ka dib dhageysiga dacwadda ee afka ayaa la soo gaba gabeyay bishii Maarso 15-18 ee sanadkan. Waxaan sugeynaa xukun cadaalad ah. Xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal waa arrin gooni ah.” ayuu yiri Mahadi Guled .

GoobJoog News