U bood dhigaalka

Akhriso: Banaanbaxyo Lagu Taagerayo Falastiin Oo Ka Socda Caasimadaha Yurub

Tobanaan kun oo mudaaharaadayaal oo taageraya Falastiiniyiinta gabood falada lagu hayo ayaa socod ku maray waddooyinka magaalooyinka waaweyn ee Yurub sida  London, Berlin, Madrid iyo Paris, iyada oo rabshadihii ugu xumaa ee sanado ka dhex dhaca Israel iyo Muslimiinta Qaza ay socdaan.

Magaalada London, dhowr kun oo mudaaharaadayaal watay boorar ay ku qoran yihiin “Jooji Qarxinta Gaza” kuna dhawaaqaya “Ha xorowdo Falastiin ” ayaa isugu soo baxay Marble Arch, oo u dhow caasimada Ingiriiska ee Hyde Park, iyaga oo banaanbaxyo ka sameyay Afaafka hore ee safaaradda  Israel.

Dadka banaanbaxyada ka dhigayay waddooyinka London ayaa gaarayay illaa 150,000 , Boliska magaalada ayaana sheegay in aysan awoodin xakameynta banaan baxayaasha maadama ay aad u tira badan yihiin .

dhanka kale Guud ahaan Waqooyiga Ameerika, dhankeeda, isu imaatinno lagu muujinayo midnimada Falastiin ayaa ka dhacay magaalooyin ay ka mid yihiin Boston, Washington, Montreal iyo Dearborn, Michigan.

Dhawr boqol oo qof ayaa isugu soo baxay aagga Bay Ridge ee Brooklyn, ee magaalada New York, iyagoo ku dhawaaqaya “Ha xorowdo Falastiin”.

Waxay lulayeen calanka Falastiin waxayna siteen boorar ay ku qornaayeen “Wuu dhamaaday waqtigii  Israail ” iyo ” Qaza xor ayey noqoneysa  a.”

Magaalada Madrid, ee caasimadda dalka Spain waxaa isugu soo baxay dad gaaraya ilaa 2500 oo qof, oo badankood ay yihiin dhalinyaro kor u sidda calanka Falastiin, kuwaas oo socod ku marayay waddooyinak waaweyn ee Spain .

Kumanaan qof ayaa isugu soo baxay magaalada Baarliin ee caasimadda Germany iyo magaalooyin kale oo Jarmalka  kuwaas oo taageraya Falastiiniyiinta Yahuudda dhibka ku hayso.

Waxaa mudda kooban la  fasaxay shaqaalaha degmada  degmada Neukoelln ee koonfurta Barliin , halkaas oo ay ku nool yihiin dad aad u tiro badan oo asalkoodu yahay Turki iyo Carab.

Dibadbaxayaasha ayaa ku qeylinayay erayo ka dhan ah Israel waxayna ku tuurayeen booliska dhagxaan iyo dhalooyin, taasoo keentay in dhowr jeer la xiro waddooyinka magaalada

Mudaaharaadyo kale ayaa lagu qabtay magaalooyinka Frankfurt, Leipzig iyo Hamburg ee isla dalka Jarmalka .

Griiga, booliisku waxay sheegeen in kudhowaad kun qof ay mudahaaradyo ka sameyeen afaafka hore ee safaarada Mareykanka ee Athens. Booliska rabshadaha ka hortaga ayaa adeegsaday madfaca biyaha waxaana jiray dagaalo yar yar oo lala galay mudaaharaadayaasha safaarada horteeda, sida ay soo wariyeen wakaaladaha.

Magaalada Rome,ee caasimadda dalka Talyaaniga  dhowr boqol oo qof ayaa isugu soo ururay agagaarka Santa Maria Maggiore basilica, iyagoo watay calanka Falastiin kuna dhawaaqayay hal ku dhigyo.

“Looma baahna inaad Muslim noqotid si aad u taageerto Falastiiniyiinta,” ayeey ku dhawaaqayeen dadka isugu soo baxay magaalada Rome .

Dalka Tuniisiya banaanbaxyo ayaa ka dhacay magaalooyin dhowr ah. Boqolaal mudaaharaadayaal ah oo kor u sida Calanka Falastiin ayaa buux dhaafiyay waddooyinka magaalooyinka Tuunis .

Magaalooyinka Waaweyn ee Yurub ayaa illa iyo hadda waxaa ka dhacaya Banaanbaxyo Falastiin lagu taagerayo xilli dowladaha yurub ay yaaban yihiin .

Xukuumadda Tel Aviv ayaa gabood fallo u geysatay Muslimiinta Falastiin kuwaas oo ka biya diidan in Yahuudda ay gacanta ku dhigaan dhulka barakeysan ee Qaza .

Goobjoog News