U bood dhigaalka

Diyaargarowga Shirka Doorashada Oo Ka Bilawday Muqdisho

Waxaa magaalada Muqdisho kulan isugu yimaaday guddiga qaban qaabada shirka wadatashiga arrimaha doorashooyinka ee madaxda dowaldda federaalka iyo madaxda dowlad gobaleedyada dalka .

Guddigan oo isugu yimid Hotel ku yaallo magaalada Muqdisho ayaa ka kooban xubna ka kala socda xafiiska Ra’iisul wasaaraha iyo xubna ka socda madaxda shanta dowlad gobaleed .

shirka guddigan ayaa sidoo kale looga hadlay sidii la isugu soo dhaweyn lahaa madaxda dowladda federaalka iyo madaxda dowlad gobaleedyada dalka, xilli guddigan ay ku guda jiraan diyaarintii ugu dambeysay ee shirka wadatashiga arrimaha doorashooyinka dalka .

Ra’iisul wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay sheegay in uu qabsoomi doono shirka 20 bisha oo ku beegan Arbacada soo aaddan , xilli ay soo baxayeen shaki la gelinayo in madaxda qaar ay ka caga jiidayaan imaanshaha shirka .

Xukuumadda ayaa bilawgii bishaan si rasmi ah loogu wareejiyay daadejinta iyo qorsheynta howlaha doorashooyinka kadib markii uu fashilmay isku daygii Farmaajo ee mudda kordhinta isaga iyo xildhibaanada taageersan ay ku dhufsadeen .

GoobJoog