U bood dhigaalka

Maxkamaddaha Dalka Oo Dib u Bilaabaya Qaadista Dacwadaha Aan Ciqaabta Aheyn

Guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka Baashe Yuusuf Axmed  ayaa sheegay in hadda kadib dib loo bilaabi doono qaadista dacwadaha aan ciqaabta ka dhalaneyn oo horay maxkamadda ay u joojisay kadib sanad ka hor dalka uu soo gaaray xanuunka Corona Virus .

Qoraal ka soo baxay xafiiska guddoomiyaha maxkamadda sare xalay ayaa lagu sheegay in 16 bishaan dib maxkamadaha ay u bilaabayaan qaadista dacwadaha aan ciqaabta ka dhalaneyn sidoo kale waxa uu gudoomiyaha amray in racfaanadii waqtiga ay ka dhaceen inta xayiradda lagu guda jiray dib loo ogonaayo in ay ay soo dalbadaan dadkii uu racfaankooda dhamaaday .

Hoos Ka Akhriso Qoraalka Guddoomiyaha Maxkamadda Sare