U bood dhigaalka

Soomaaliya oo Ogolaatay Dowlad Israel, Akhriso Sababta

Soomaaliya ayaa beesha caalamka ugu baaqday  Israel lagu cadaadiyo iney joojiso dhibaatada ay ka waddo dhulka Falastiin iyada oo soo jeedisay xal labo dowlad.

Arrintan ayaa kusoo aaday shir laga yeeshay dagaalka ay Israel ka waddo Qudus, Gaza iyo meelo kale oo dhulka Falastiin ah.

Wasiir dowladaha arrimaha dibadda ee Soomaaliya Bilaal Cusmaan oo ka hadlayey OIC ayaa axaddii sheegay in la gaaray xilligii la joojin lahaa dagaalka, lana ogolaan lahaa labo dal oo ay yeeshaan Israel iyo Falastiin.

“Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, sidaas darteed, waxay kala mid tahay dunida Islaamka inteeda kale baaqyada ah in la joojiyo qabsashada Israel ee dhulalka Falastiin iyo in la xaqiijiyo xuquuqda dadka Falastiiniyiinta ee aayo-ka-tashi iyo in la dhiso dowlad u gaar ah oo leh Bariga Qudus inay tahay caasimaddeeda muran la’aan, ”ayuu yiri Cismaan.

Soomaaliya waxay sii wadeysaa inay taageerto xalka labada dowladood, ”ayuu sii raaciyay Cismaan,“ Iyadoo lagu saleynayo xuduudaha caalamiga ah iyo xadkii 1967 iyo Israa’iil iyo dowlad madaxbanaan oo Falastiin ah, kuna wada noolaan kara nabad, nabadgelyo iyo is aqoonsi labada dhinac ah. ”

Goobjoog News