U bood dhigaalka

Muqdisho: Rooble iyo Madaxda Maamul Goboleedyada oo Qaatay Casho Kalsooni Abuur ah

Sheeko:Amniga

waxaa xalay illaa Saaka magaalada Muqdisho ka socda kulan duceedyo horu-dhac u ah shirka wadatashiga Arrimaha doorashooyinka dalla.

Ra’iisul wasaaraha dalla Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulama la qaatay Madaxweynayaasha dowlad gobaleedyada Galmudug, Koonfur galbeed iyo Jubbaland .

Shirka Doorashada ayaana hadda ku bilowday niyad Wanaagsan iyo is aaminaad kadib kulan casho ah uu Rooble, ra’isul wasaaraha u sameeyey madaxda maamul goboleedyada.

Shirkii April, Madoobe iyo Deni iyada oo bil jooga ayeysan marnaba arkin Farmaajo halka Madoobe uu xalay la casheeyey Rooble taas oo isu soo dhowaanshiyo bilow ah.

Shirka  weyn ee doorashada ayaa lagu wadaa in uu sabtida ka furmo Afisyooni xilli furitaankiisa ay ka qeyb gali doonan Saamileyda siyaasadda.