U bood dhigaalka

Kenya iyo Soomaaliya oo Mar Kale Noqday Malab iyo Caano

Saacadihii lasoo dhaafay waxaa dhacay isu soo dhowaanshiyo aad u weyn oo ah labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya kadib markii Muqdisho ay xiriirka jartay 7 bil kahor.

Safiirka Kenya ee Soomaaliya  Lucas Tumbo ayaa sabtidii dib ugu soo laabtay Muqdisho, tallaabadan oo loo arkay inuu si caadi ah kusoo noqday xiriirkii labada dhinac.

Arrintan ayaa imaaneysa heshiis dhacay June 16, oo la isku afgartay in lasoo celiyo xiriirka diblomaasi isla markaana laga shaqeeyo hawlaha dhimman.

Dhanka kale, wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya oo haatan ka qeybgalaya  madasha diblomaasiyadda looga hadlayo ee Antaliya, Turkiga ayaa halkaas kula kulmay dhiggiisa Kenya Raychelle Omamo, labada dhinac ayaa la wada hadlay sidii loo wadi lahaa doodaha la xiriira dhameystirka inta dhimman.

Goobjoog News