U bood dhigaalka

Waa Kuma Madaxweynaha Cusub Ee Iran Raisol-Sadati

Mas’uuliyiinta Iran waxay xaqiijiyeen in madaxii garsoorka iran Ebrahim Raisi, uu ku guuleystay doorashadii madaxtinimada ee jimcihii ka dhacday dalkaasi.

Madaxweynaha xilka ka degaya Xasan Ruuxaani ayaa la kulmay  madaxweynaha la doortay, isagoo ugu hambalyeeyay guushii uu ka soo hooyay doorashooyinka, wuxuuna kala hadlay “ka qeybgalka xoogan ee doorashooyinka iyo saameynta ay ku leeyihiin xoojinta awooda dalka.

Dhiniciisa, Wasiirka Arimaha Dibada ee Iran Mohammad Javad Zarif, oo ka qayb galayay shirkii Madasha Diblomaasiyada ee Antalya ee Turkiga, wuxuu sheegay in qof walba laga doonayo, wixii hada laga bilaabo inuu la shaqeeyo madaxweynaha la doortay, isaga oo ku tilmaamay “nin caqli badan oo dalka si fiican u hogaamin doona .

” Afhayeenka baarlamaanka Iran Mohammad Baqer Qalibaf ayaa sidoo kale ugu hambalyeeyay MR Raisi guushii doorashada. Saddexda musharax ee la tartamayay MD Raisi ayaa goor sii horeysay oo maanta ah qirtay in laga adkaaday waxayna ugu hambalyeeyeen guushiisa.

Natiijooyinka hordhaca ah ee ay daabacday Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Iiraan ayaa muujinaya in Raisi uu ku guuleystay codadka in ka badan 17.8 milyan oo ka mid ah 28 milyan ee codbixiyeyaasha ka qeyb galay doorashooyinka.

Mr Raisi waxa uu farqi aad u weyn oo dhanka codadka ah uu kaga horeeyay marla loo eego musharixiintii kula tartamay doorashada, kuwaas oo kala ah, Ku-xigeenka Afhayeenka Golaha Shuurada Amir Hossein Qazizadeh Hashemi (qiyaastii hal milyan oo cod), Xoghayaha Golaha Dhex-dhexaadninta Mohsen Rezaei (3.3 milyan oo cod), iyo Gudoomiyaha Bangiga Dhexe Abdel Nasser Hemmati (2.4 milyan oo cod).

Hadaba waa kuma Madaxweeynaha Cusub ee Iran ?

Magaciisa oo dhameystiran waa Sayyid Ebrahim Raisol-Sadati waxa uu December 14, 1960-kii ku dhashay magaalada Mashhad ee dalka Iran .

Raisi ayaa horay u xilal kala duwan uga soo qabtay hay’ado ay ka mid yihiin Garsoorka Iran , xilka ku-xigeenka  madaxa cadaalada Iran ayuu soo hayay intii u dhaxeysay sanadihii (2004–2014), waxa uu sidoo kale intii u dhaxeysay (2014–2016) uu ahaa xeer ilaaliyaha guud ee Iran, Guddoomiya  maxkamada sare Iran ayuu sidoo kale noqday 2019-kii .

Wuxuu sidoo kale xubin ka yahay Golaha Khubarada ee ka soo jeeda Gobolka Koonfurta Khorasan, oo markii ugu horreysay la doortay doorashadii 2006.

Raisi ayaa sidoo kale waxa uu madaxweynaha hadda uu doorashada kaga adkaaday la tartamay sanadkii 2017 markaas oo uu helay 38.3% codadkii la dhiibtay .

Sayyid Ebrahim Raisol-Sadati waa 60 sano jir aad caan uga ah guda dalka Iran .

Goobjoog News