U bood dhigaalka

Taliban oo Isku Fidineysa Afghanistan Kahor Bixitaanka Mareykanka

Inkasta oo ciidanka Mareykanka ay ka wada bixi doonaan September hadana kooxda Dhaalibaan ayaa bilowday iney qabsadaan magaalooyin iyada oo ay xarakada u muuqato awooddii badali laheyd Washington.

Qiyaas ahaan 2,500 American ah iyo 7,000 NATO ayaa bilaabay iney ka baxaan dalkaas wixii ka dambeeyey May.

Kooxdan mayalka adag ayaan u muuqan in laga adkaaday ama urur gabalkiisu dhacay iyada oo u hadlo iney yihiin dowlad safka kusoo jirta ama la sugayo.

Todobaadkan, Col. Sohrab Azimi, 31, iyo ciidan la socday oo gaaraya 22 ayaa la laayey arbacadii, waxaa dhammaan dilay Dhaalibaan iyaga oo sugayey ciidan gurmad ah.

Warar qaar ayaa sheegaya in Dhaalibaan ay bilaabeen qaadista lacago qaaraan ah kahor inta aaney bixin ciidanka Mareykanka.

In ka badan 7 degmo ayaa ku jira gacanta kooxdan halka maalin walba ay qabsadaan deegaano cusub, waxaana hubaal in xaaladda ay kasii dari doonta kolka Mareykanka iyo NATO baxaan.

Goobjoog News