U bood dhigaalka

Khubarada Cilmiga Badda Oo Ka digay Dhimashada Nooc Ka Mid Ah Kalluunka Laga Helo Xeebaha Soomaaliya

Sheeko:Amniga

Daraasad ay sameysay jaamacadda City ee magaalada Muqdisho  ayey kaga digtay suurtagalnimada in la sumeeyo badda ka dib markii ay badatay dhimashada nooc ka mid ah kalliinada laga helo badda Soomaaliya.

Daraasaddan oo ay soo saartay Machadka Kalluumeysiga iyo Cilmiga Badda ee jaamacadda City ayaa lagu sheegay maalmihi la soo dhaafay oo ay u kacsaneyd badda, sidoo kalena ay sii kordhayeen dhimashada mid ka mid ah Mallaayga oo aad loo isticmaalo .

Kalluunka loo yaqaano Qurumbow (pufferfish) ayaa badda ay soo tuftay iyadoo kalluunka lagu arkayay hareeraha xeebta isagoo ku soo cariyay.

“Qoraalladii hore waxay soo jeedinayaan in dhimashooyinka noocan oo kale ah ay mararka qaar u dhacaan si dabiici ah. Kalluunka Qarambow ee ku nool biyaha gacmeed ee u dhow xeebta kuma noolaan karo badweynta. Dabaylaha, duufaanka iyo hirarka mararka qaarkood waxay soo jiidaan biyaha waxayna ku tuuraan kalluunka xeebta, ’ ayaa lagu yiri warbixin horu-dhac ah oo ay soo saartay Jaamacadda City ee magaalada Muqdisho .

Cilmi baarista jaamacadda ayaa sidoo kale looga digay cunista kalluunkan iyadoo sheegtay in laga qabo casi ah in la sumeyay .

Soo helitaanka kalluunka dhintay ayaa ku soo beegmaya iyadoo ay jirto cabsi laga qabo kadib markii uu quusay markab ay ku jireen  dhowr tan oo kiimiko xilli uu marayay biyaha  magaalada Colombo ee caasimadda Sri Lanka.

Goobjoog News