U bood dhigaalka

Akhriso: Khasasro Ka Dhashay Dagaalka TPLF Iyo Ciidamada Itoobiya Ku Dhex Maray Gobalka Tigre

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaallo u dhaxeyay ciidamada Itoobiya iyo Ururka TPLF kuwaas oo tan iyo shalay ka socda magaalooyinka waaweyn ee gobalka Tigreega.

TPLF ayaa sheegtay goordhaw in ay soo rideen diyaarad ay lahayeen Militeriga Itoobiya taas oo uu noocedu yahay C-130 Hercules.

Suuq ku yaalla gudaha magaalada Makelle ayaa la sheegay in lagu garacay tira gantaalla ah oo ay soo rideen kooxda dagaalka kula jirta Ninka haysta billadda nabadda ee dagaalka oogay.

Saraakiisha caafimaadka Makelle ayaa xaqiijiyay ugu yaraan 43 dhimasho, kadib weraro is xig xigay oo dhacay.

khasaaraha kale ee halkaas laga soo warinayo ayaa shegaya in hanti badan ay ku burburtay dagaalka, sidoo kalena ay dad badan ay bilaabeen in ay ka barakaacan guryahooda.

TPLF ayaa saaka shegatay in ay la wareegtay magaalooyin badan oo ka tirsan Gobalka Tigrega, iyadoo ku baaqday in ay weli sii wadi doonto dagaalka.

Dowladda Itoobiya weli kama hadlin dagaalada ka socda deeganada waqooyiga dalkaas.

Soo laba kacleynta kooxdan ayaana u muuqata mid sii kala furfyreysa siyaasadda Itoobiyanka.

Goobjoog News