Wararka naga soo gaarayo deegaanka Wisil ee hoostaga magaalada Hobyo ee goblka Mudug ayaa sheegaya in saaka dagaal uu ku dhex maray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda iyo Ururka Al-shabaab.
Dagaalka ayaa bilawday kadib markii xubna ka tirsan ururka Al-shabaab ay weerar ku soo qaadeen fariisimo ciidamada dowladda ay ku lahaayeen deegaanka.
Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in subaxnimadii hore ee saaka ay ku waabariisteen dhawaqa rasaasta ay isweydaarsanayeen labada dhinac.
Illa iyo hadda ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka Al-shabaab iyo ciidamada daraawiishta Galmudug ku dhex maray deegaanka Wisil ee gobalka Mudug.
Wixii Faahfaahin ah ee warkaan ku soo kordha kala soco Goobjoog
Goobjoog News