U bood dhigaalka

Maxuu Isku Casilay Wasiirkii Caafimadka UK Matt Hancock!?

Sheeko:Amniga

Wasiirka Caafimaadka dowlada Ingriiska Matt Hancock ayaa iska casilay xilka wasiirnimada dalkaas kadib markii uu dhaleeceyn xooggan kala kulmay mucaaradka daalkaas, xilli la arkay isaga oo dhunkanaya gabar gacan yarihiisa aheyd.

Mr Matt Hancock ayaa sheegay in uu aad uga xunyahay in uu jabiyay sharciga dalkaas ee ka hortagga xanuunka corona virus .

Wasiirka ayaa warqaddiisa iscasilaadda u gudbiyay ra’iisul wasaaraha dalka Ingiriiska Boris Johnson kadib markii cadaadis xooggan uu la kulmay .

Horay sanadkii 2004-tii wasiirkii arrimaha gudaha Ingiriiska David Blunkett ayaa xilka iska casilay kaddib markii uu dedejiyay iqaamad loo cusboosiinayey adeegto reer Filibiin ah oo shaqaale u ahayd haweenay ay David saaxiib ahaayeen.

Goobjoog News