U bood dhigaalka

Akhriso: Shirka Afisyooni Oo Soo Dhamaaday, Jadwalka Doorashada oo La Shaaciyay

Sheeko:Amniga

Waxaa goordhaw la soo gabagabeyay shirka wadatashiga arrimaha doorashooyinka dalka oo muqdisho laba maalmood uga socday madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad gobaleedyada.

Madaxda ayaa isku raacay jadwalka doorashada xildhibaanada laba aqal iyo tan madaxweynaha.

Hoos Ka Akhriso Jadwalka Doorashada.

 

JADWALKA DOORASHADDA SOOMAALIYA IYO GO’AAMADA KASOO BAXAY SHIRKA WADATASHIGA DOORASHADDA

Muqdisho: 29 June 2021: Golaha wadatashi ee Doorashada Soomaaliya, ayaa soo saaray Jadwalka doorashada Soomaaliya iyo go’aamo ay ku gaareen Shirka arrimaha Doorashada ee uga socday Muqdisho.

JADWALKA DOORASHADDA

1. Tababarka iyo Doorashadda Guddoonka Gudiyada Doorashadda ( 30 June – 05 July 2021)

2. Doorashada Aqalka Sare (25 July 2021)

3. Diyaarinta Goobaha Codbixinta Doorashada ( 23 July 2021)

4. Soo xulista iyo diyaarinta Ergooyinka Doorashadda (15 July – 10- August 2021)

5. Doorashadda Xildhibaanada Golaha Shacabka JFS (10 August – 10 September 2021)

6. Dhaarinta Xildhibaanada iyo Doorashadda Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka JFS (20 September 2021)

7. Doorashadda Madaxweynaha JFS (10 October 2021)

Go’aamada kale ee uu Goluhu gaaray:

– Golaha oo tixgelinaya Codsi ka yimi Haweenka Soomaaliyeed, wuxuu 50% ka dhimay Haweenka Soomaaliyeed khidmada laga qaadayay haweenka u sharaxan Baarlamaanka.

– Ra’iisal Wasaaraha DFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble, oo ka duulaya heshiiskii 27kii May 2021, ayaa magacaabay Guddiga dib-u-heshiisiinta Gobolka Geddo oo aysan ku jirin Jubaland. Guddiga ayaa la faray inay dedejiyaan arrimaha dib-u-heshiisiinta Gobolka Gedo.

DHAMMAAD