U bood dhigaalka

Guddiga Doorashooyinka Madaxa Banaan: Waxaa ay Aheyd Fursad Ka Qasaartay Dalka iyo Dadka

Sheeko:Amniga

Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka dalka ayaa sheegay in ay fursad doorasho qof iyo cod ah dalka looga qaban lahaa ay ka qasaartay .

Qoraal GMDQ ay soo dhigeen bartooda Twitter-ka ayaa lagu sheegay in ay sanad ka soo wareegatay xilligii guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka ay baarlamaanka ka horjeediyeen jadwal doorashoo oo dalka looga qabanayo doorasho qof iyo cod ah .

Xaliima Ibraahim Ismaail Yareey ayaa mudanayaasha golaha shacabka 27-kii june u soo bandhigtay laba hab doorasho oo dalka guddiga u dajiyen in ay ka qabtaan .

” 27-ka Juun waxay ku beegan tahay sanad markii NIEC ay soo bandhigtay warbixin iyo laba soo jeedin doorashada ah oo ay u soo gudbisay Golaha Shacabka ee Baarlamaanka, taasoo qeexaysa habsami u socodka doorashada 1 qof 1 cod.”
a) Soo-jeedintii ugu horreysay waxay ku salaysnayd isla maalintaas diiwaangelinta gacanta oo ku dhammaan lahayd bisha April 2021″ ayaa lagu yiri qoraalka guddiga doorashooyinka .

GMDQ ayaa sidoo kale qoraal kooda intaas ku daray in nooca labaad ay soo bandhigeen xilligaas uu ahaa nuuc dalka ay doorasho qof iyo cod ah kaga qabanayaan iyadoo la adeegsanayo hanaanka casriga ah.

“b) Soo jeedinta 2aad waxay ku salaysnayd diiwaangelinta jismiyeed, taasoo ahayd in la dhaqan geliyo bisha Ogos 2021. Hindisaha NIEC wuxuu ahaa in dadka Soomaaliyeed awood loo siiyo inay doortaan hoggaanka dalka iyo in la xoojiyo geeddi-socodka dimuqraadiyadda dalka.” ayaa lagu yiri hadalka ka soo baxay GMDQ .

Ugu dambeyn qoraalka lagu daabacay Twitter-ka ayeey ku sheegen in umadda soomaaliyeed ay ka qasaartay Fursad mujiim ah .

“Waxay ahayd fursad la seegay dadka iyo dalka”.

Goobjoog News