Dad fara badan ayaa gudaha dalka Canada maalmihi la soo dhaafay ugu geeriyooday kuleyl daran oo dalkaas ka jira, dadka ayaana ah kuwa u badan dad da’ ah .
Ciidamada Booliska magaalada Vancouver ayaa sheegay in tan iyo jimcihii ay magaalada ku dhinteen dadkii ugu badnaa ee u dhinta kuleyl .
Booliska ayaa xaqiijiyay in Afarti maalin ee la soo dhafay ay magaalada Vancouver ay ku dhinteen dad kor u dhaafaya 130 qof, kuwaas oo dad da’ah u badan .
Dadka dhintay ayeey booliska sheegen in ay aheeyn kuwa uu aad u hooseyo difaaca jirkooda maadama aya aay u da’ weynaayeen, waxaana dadka ku jiray kuwa qabay xanuunno.
Cabirka heerkulka ayaa hoos uga sii dhacay saacadihii la soo dhaafay – 49.5C (121F), waana heerkii ugu xumaa oo uu intaas gaaro heerkulka.
Todobaadkan ka hor, heer kulka dalka waligiis ma dhaafi jirin 45C, halka dalka canada uu hadda ka jiro kuleelkii ugu badnaa .
Goobjoog News