Maamulka Gobalka Banaadir oo shaaciyay Natiijada Imtixaanaadka Shahaadiga ee 8-aad
Sheeko:Dalka
![](https://goobjoog.com/content/uploads/2021/07/214582170_348942099999636_7310398217352396304_n.jpg)
Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed ayaa xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kaga qeybgalay Munaasabad lagu soo Bandhigaayay Natiijada Imtixaanka Shahaadiga Fasalka 8-aad Dugsiyada Gobolka Banaadir ee sanad dugsiyeedka 2020-2021.
Imtixaanka fasalka 8-aad ee sanadkaana ayaa waxaa u fariisatay ardey kor u dhaafeysa 10-kun waxaana ka gudbay imtixaanka 10,275 halka ay ku dhaceen 642.
Sanadkaana ayaa waxaa maamulka Gobolka Banaadir u suurta gashay inay qaadaan imtixaanaadka shahaadiga ah ee Magaalada Muqdisho.
Goobjoog News