U bood dhigaalka

Faransiiska Oo Dal Afrikaan Ah U Soo Celinayo Nin Loo Heysto Dambiyo Dagaal

Sheeko:Amniga

Dowladda Burkina Faso ayaa soo dhaweysay go’aanka dowladda Faransiiska ay kusoo musaafurineyso Francois Compaore oo ah walaalka madaxweynihii muddada dheer shaqeynayey ee dalka Burkina Faso iyadoo la keenayo dalkiisa halkaasoo loogu haysto dil loo geystay saxafi rug caddaa ah Norbert Zongo oo la dilay labaatan sano ka hor.

Maxkamad ku taalla dalka Faransiiska ayaa diidday codsiyo uga yimid qareennada Compaore waxaana maxkamaddu sheegtay in dhiibistiisa loo maray nidaam iyo sharci islamarkaana aysan jirin go’aanno dastuuri ah oo diidaya in laga noqdo musaafurinta Francois Compaore oo dacwado looga haysto dalkiisa Burkina Faso.

Dowladda Burkina Faso ayaa ku tilmaantay dib u soo celinta Francois Compaore “GUUL”

“Waxaan ku qanacnahay sida Faransiisku u aqbalay codsigeenna,” ayuu yiri Ousseni Tamboura oo ah wasiirka isgaarsiinta iyo waliba afhayeenka dowladda Burkina Faso.

Francois Compaore waa walaalka ka yar Blaise Compaore kaasoo lagu qasbay inuu iscasilo sannadkii 2014 markii ay ku kaceen dibadbaxyo waaweyn oo looga soo horjeeday inuu ku ballaarsado xukunkiisa 27 jirsday kaasoo markii hore u uku yimid afgambi. Madaxweynihii hore ee dalka Burkina Faso ayaa tan iyo markii uu xilka iska casilay qaab musaafuris ah ugu nool dalka Ivory Coast.

Meydka wariye Zongo oo si xun loo gubay islamarkaana ahaa agaasimaha wargeys soo baxa usbuuciiba mar laguna magaabi jiray “L’independent” ayaa la helay bishii December ee sannadkii 1998 waxaana lala dilay saddex qof oo ay asxaab ahaayeen. Meydka ayaa laga helay gaar waddada dhinaceeda yaal magaalo madaxda dalka Burkina Faso ee Ouagadougou.

Dilka kaddib dibadbaxyo waaweyn ayaa gilgilay dalka Burkina Faso waxaana ka dhashay cambaareyn calami ah. Zongo ayaa baaritaan ku hayey geerida David Auedraogo oo ahaa darawalka Francois Compaore.

Baaritaan la sameeyey kaddib dilka Zongo waxaa loo soo qabtay Marcel Kafando oo ah xubin ka tirsan ilaalada madaxtooyada laakiin waa la sii daayey markii lagu waayey inuu ku lug leeyahay dilka wariye Zongo.