U bood dhigaalka

Guddiga Xalinta Khilaafaadka Oo Ku Wajahan Koonfur Galbeed

Sheeko:Amniga

Waxaa lagu wadaa in saacada soo socda ee saaka magaalada Baydhabo ay gaaraan wafi uu hogaaminayo guddoomiyaha guddiga xalinta khilaafaadka Heer Federaal Cabdullahi Abyan Nuur.

Wafdigaan ayaa goordhaw ka ambabixi doona garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel gaarka maamulka Jubbaland oo ay joogeen tan iyo markii ay bilaabatay doorashada aqalka sare ee Jubbaland.

Guddiga ayaa korjoogto ka noqon doona doorashada lagu wado in maanta koonfur galbeed ay ka dhacdo, taas oo lagu doorayo 5 kursi oo ka mid ah 8 kursi ee koonfur galbeed uu ku leeyahay Aqalka sare.

Goobjoog News