U bood dhigaalka

Koonfur Galbeed : Doorashada Aqalka Sare oo Ka Bilaabatay Baydhabo

Sheeko:Amniga

Magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka maamulka Koonfur galbeed ayaa saaka lagu wadaa in ay ka bilaabato doorashada Aqalka sare.

Guddiga doorashooyinka ayaa ku guda diyaar garowgoodii ugu dambeyay ee doorashada saaka, xilli saacadaha soo socda ay bilaaban doonto khudbadaha musharixiinta.

Madaxweynaha dowlad gobaleedka Koonfur galbeed Cabdi casiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa maalma ka hor soo saaray liiska musharixiinta, iyadoo guddiga doorashooyinka ay maanta oo Isniin ah u asteeyen in ay qabsoonto doorashada Aqalka sare.

Musharixiinta tartameysa oo gaareysa illa iyo 10 Musharax ayaa u tartamaya 5 kursi oo ka mid ah 8 kursi oo maamulka uu ku leeyahay Aqalka sare.

Goobjoog News