U bood dhigaalka

Rabshado Dad Ku Dhinteen Oo Ka Dhacay Jabuti Iyo Dowladda Oo War Ka Soo Saartay

Sheeko:Amniga

Wararka naga soo gaarayo dalka Jabuti ayaa sheegaya in caasimadda dalkaasi ay saacadihi la soo dhaafay ka dhaceen rabshado dad ku dhinteen oo u dhaxeeyay qowmiyahadaha Soomaalida iyo Canfarta ee wada daga dalkaas.

Dowladda Jabuti ayaa dhankeeda war ka soo saartay rabshada, xillli ay sheegtay in aan rabsahadaha noocan ah aan loo dulqaadan karin.

Dadka ku dhintay rabshadaha ayaa la sheegay in ay ahaayeen dad u badan shacab, iyadoo rabshadaha sidoo kale lagu bur buriyay hanti fara badan.

Saciid Nuux Xasan  Wasiirka arrimaha gudaha dowladda Jabuti oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay in la gubo guryaha dadka shacabka ah.

“Maanta arrin halis ah ayaa dhacay in Aqalladii dadku lahaayen shicibku lahaayen la’ gubo arrinka aarrin ay dowladdu u dul qaadanayso maaha” ayuu yiri wasiir Saciid Nuux Xasan.

Wasiirka ayaa sidoo kale hadalkiisa intaas ku daray in ay dowladdiisa si adag uga hortageyso qalalaasaha ka socda dalkeeda.

“Waxaan leeyahay waalidiinta inay fidnada dhagaxtuurka ka bilaamaya oo aan carruur ku koobneyn ee lagu daba jiro,waxaan ku wargelinayaa inay carruutooda ka adkaadaan sababtoo ah dowladdu wixii manata ka dambeeya fara adag ayay ku qabanaysaa arrinka adowladdu”, ayuu yiri wasiir Saciid.

Illa iyo hadda lama xaqiijin tirada dadka rasmiga ah ee ku dhintay rabshadaha saacadihi la soo dhaafay ka dhacay dalka Jabuti.

Goobjoog News