U bood dhigaalka

Waa Kuma Senator Zamzam Ibraahim Oo Loo Doortay Markale Aqalka Sare In Ay Ka Mid Noqoto

Sheeko:Amniga

Samsam Ibraahim Cali waxaa ay aheyd Senator ka tirsan aqalka saree e baarlamaanka 10-aad, waxaa ay aqalkaas guddoomiye ka aheyd Guddiga Garsoorka, Arrimaha Diinta & Awqaafta, Xuquuqul Insaanka, Haweenka Iyo Caruurta, waxaa kale oo guddoomiye ku xigeenka ururka haweenka ee baarlamaanka.

Mar ay maanta la hadashay baarlamaanka Koonfur galbeed waxaa ay sheegtay in ay kasoo shaqeeyey oo taageertay dadka baahiyaha gaarka leh iyo caruurta, hadda mar kale ayaa Senator loo doortay baarlamaanka 11-aad.

Musharax Zamzam Ibraahim Cali ayaa ku soo baxday doorashada iyado oo heshay codadkii la dhiibtay 81   , halka Shariifo Xaaji Cusmaan ay heshay  cod 4.

Guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad gobaleedka Koonfur galbeed Ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashada kursiga koowaad.

Kursiga xiga Samsam Ibraahim Cali waxaa la tartameyso Shariifo Xaaji Cusmaan Ibraahim, gabadha hore waa Senator hadda kusriga ku fadhisa, kursiga sumadiisa waa UH24, waxaa leh beesha Digil, jiido.