U bood dhigaalka

Rooble Oo Kulan La Qaatay Markale Madaxda Dowlad Gobaleedyada

Sheeko:Amniga

Ra’iisul wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay kulan dhanka fogaan aragga ah la qaatay madaxda dowlad gobaleedyada dalka.

Kulanka Rooble iyo dowlad gobaleedyada ayaa looga hadlay xaaladihii ugu dambeyay ee doorashada dalka iyo khilaafka weli ka dhax taagan arrinta Somaliland.

“Kulan fogaan arag ah oo ay caawa yeesheen Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka uuna shir guddoominayay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa looga wadahadlay dardargalinta howlaha doorashooyinka Dalka”, ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska Rooble.
“Dhanka kale qoraalka ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale lagu shegay in ay dowlad gobaleedyada ay soo dhaweeyen dadaalada Roonble ee ku aaddan doorashooyinka Gobalada Waqooyi.
Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa Golaha uga warbixiyay halka ay mareyso xallinta khilaafka ka taagan doorashada hoggaanka Guddiga Maamulka Doorashada Gobollada Woqooyi ee Soomaaliland iyadoo goluhu si buuxda u taageeray dadaalada Ra’iisul Wasaaraha ee lagu dhammeystirayo dhismaha Guddoonka Guddiga Maamulka Doorashooyinka Soomaaliland oo Maanta uu Ra’iisul Wasaaruhu ku wargaliyay Xubnaha Gudigaas in ay si deg deg ah isaga dhex doortaan hoggaankooda.” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska Rooble.
Goobjoog News