U bood dhigaalka

Safaaradda Kenya Ee Muqdisho Oo Mudda Kadib Dib Loo Furay

Sheeko:Amniga

Wasiirada Arrimaha Dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdi iyo Wasiirka arrimaha dibadda kenya Raychelle Omamo, ayaa si wadajir ah u furay Safaaradda Kenya ee Muqdisho, kaddib lix bil oo Safaaradda xirneyd, markii uu xumaaday xiriirka labada dal.

Omaamo ayaa booqasho ku timid magaalada Muqdisho kadib markii ay casuumaad ka heshay xukuumadda Muqdisho.

Haweneydaan ayaa sidoo kale kulama la qadatay mas’uuliyiin uu ka mid yahay ra’iisul wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble.

Omaamo ayaa Soomaaliya la furtay wadaxaajood la xiriira in dib loo soo celiyo cilaaqaadka labada dowladood oo muddo xumaa.

Goobjoog News