U bood dhigaalka

Arbacada Oo La Qabanayo Doorashada Aqalka Sare Ee Puntland

Sheeko:Amniga

Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Gudoomiyaha golaha wakiilada dowlad gobaleedka Puntland, ayaa goordhaw shaaciyayay waqtiga ay qabsoomeyso doorashada xubnaha Aqalka sare ka soo galaya Puntland.

War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska guddoomiyaha golaha wakiilada Puntland ayaa lagu sheegay in Musharixiinta iyo dhamaan daneeyayaasha doorashooyinka beri oo arbaca ah ay bilaabaneyso doorashada Aqalka sare.

“Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashid Yuusuf Jibriil wuxuu ku wargelinayaa Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (FEIT), Guddiga Maamulka Doorashooyinka Heer Puntland (SEIT), Musharixiinta Xubnaha Aqalka Sare ee Puntland, iyo Dhammaan daneeyayaasha Doorashooyinka Heer Federaal in Doorashada Xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee Puntland la qaban doono 11/08/2021, kuna beegan maalinta Arbaca, Haddii Eebbe Idmo”, ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska guddoomiyaha golaha wakiilada Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil .

Goobjoog News