U bood dhigaalka

Waa Kuma Wasiirka Dekedaha Ee Loo Doortay In Uu Noqdo Senator Ka Tirsan Aqalka Sare

Sheeko:Amniga

Maxamed Cabdi Majiino ayaa ku guuleystay kursiga seddaxaad ee doorashooyinka Aqalka Sare ee dowlad gobaleedka Puntland.

Senator Majiino ayaa waxaa u tanaasulay musharax Maxamed Geeddi Maxamuud isagoo sheegay in uu doorashada ka haray.

Maxamuud Cabdi Cismaan(Majiino), waxaa u tanaasulay Maxamuud Geelle Maxmuud Maxamed Cabdi Cismaan “Majiino” : waxaa uu ku dhashay Miyiga Qardho, waxbarashada hoose, dhexe iyo sare wuxuu kusoo qaatay Muqdisho .

Wuxuu ka shaqeeyay wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta Sare ee Soomaaliya.

Wuxuu dalka Ruushka ku diyaariyay maareynta iyo arrimaha ciidanka isaga oo ciidanka Soomaaliya ka gaaray G/le sare.

Bur-burka kahor wuxuu tagay, burburka kadib waxaa uu tagay dalka Maraykanka isaga oo ka ahaa halkaas macalin iyo caawiye muddo dhan 18 sano, sidoo kale waxaa uu ka mid ahaa xubnaha fir-fircoon ee jaaliyada Soomaaliyeed ee dalkaas .

Goobjoog News