Waxaa goordhaw magaalada dhuusamareeb ee caasimadda dowlad gobaleedka Galmudug lagu doortay kursigii Seddaxaad ee Senatorada Aqalka sare galmudug ku matali doonta.
Senator Cabdi Axmed Dhuxuloow kadib markii uu helay uu u tanaasulay musharixii la tartamayay oo lagu magacaabo Nuur Guutaale.
Cabdi Axmed Dhuxulow waa uu ahaa Senator ka tirsan baarlamaanka 10-aad ee baarlamaanka federaalka ah, waxaa uu qeyb ka yahay kooxda waayo-arag, waxaa uuna lasoo shaqeeyey madaxweyne Qoo-qoor, sidoo kale xildhibaan golaha shacabka ayuu ahaa 20-kii sano ee lasoo dhaafay, waxaa uu ka guuleystay Nuur Xasan Gutaale.
Goobjoog News