U bood dhigaalka

Cabdiweli Ibraahim Oo Loo Doortay In Uu Ka Mid Noqdo Senatorada Aqalka Sare

Sheeko:Amniga

Waxaa goordhaw lagu dhawaaqay natiijada doorashada kursiga Seddaxaad ee doorashada Aqalka sare dowlad gobaleedka Koonfur galbeed ku matalaya BJFS.

Kuraasta maanta la dooranayo oo gaaraya illa seddax kursi ayaa kursiga Seddaxaad waxaa kuwada tartamay Sen. Cabdiwali Maxamed Ibraahim iyo Cabdullahi Roobow Maxamed.

Cabdiwali Maxamed Ibraahim  ayaa ku guuleystay doorashada kadib markii uu helay codad dhan 68, halka Cabdullahi Roobow Maxamed 18 cod.

Gudoomiyaha Baarlamaanka dowlad gobaleedka Koonfur galbeed ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashada Kursiga Seddaxaad oo uu ku guuleystay Cabdiwali Maxamed Ibraahim .

Cabdiweli Ibraahim Xaabsade waa Xildhibaan ka mid ahaa baarlamaankii 9aad ee soomaaliya
Goobjoog News