U bood dhigaalka

Akhriso: Wararkii Ugu Dambeyay Ee Xaaladda Baladweyne.

Sheeko:Amniga

Wararka naga soo gaarayo magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in kadib saacado badan oo magaalada xaaladeedu kacsaneyd ay saaka tagan tahay.

Ciidamada ka tirsan guutada 5-aad ururka 27-aad ee xoogga dalka oo la sheegay in ay ka gadoodsan yihiin socdaal madaxweynaha dowlad gobaleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen, la qorsheynayay in maanta uu ku gaaro magaalada ayaa la wareegey gacan ku heynta goobaha muhiimka ah ee Magaalada.

Saraakiisha ciidamada hoagaaminaysay ayaa sheegay in ay ka soo horjeedan dadka dega gobalka oo xaqooda siyaasadeed la duudsiyay.

Ciidamada ayaa illa iyo hadda gacanta ku haya xarunta maamulka gobalka Hiiraan ee magaalada Baladweyne iyo saldhigga ciidamada Lama galaay.

Qaar ka mid ah dadka shacabka ayaa dhankooda Tan iyo xalay magaalada ka sameyay banaanbaxyo ay ku taageerayaan ciidamadan oo la magac baxay Ciidamada Badbaada Hiiraan.

Dhanka kale maagaalada ayaa sakaa la sheegay in ay soo gaareen ciidamo uu horkacayo Generaal Abuukar Xuud oo mudda dheer dagaal kula jiray maamulka Hirshabeelle kadib doorashadii Cali Guudlaawe.

Generaalka ayaa la sheegay in uu garab siinayo ciidamada la wareegay magaalada ee ka soo horjeeda Imaanshaha Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen.

Sikastaba maamulka Gobalka Hiiraan iyo kan Hirshabeelle ayaana dhankooda weli ka hadlin ciidamada la wareegay magaalada Baladweyne.

Goobjoog News