U bood dhigaalka

Kate Oo Goobjoog Kala Hadashay Arrimaha Doorashada Iyo Amniga

Sheeko:Amniga

Safiirka dowladda Ingiriiska u fadhisa Soomaaliya Kate Foster ayaa sheegatay in tan iyo markii la gaaray Heshiisyadii doorashada 17 September sanadkii hore iyo midkii 27-kii May sanadkaan, ay dowladda UK oo taageero ka heleyso deeqbixiyayaal caalami ah ay Soomaaliya ku taageeren lacag gaareysan 7.2 Million oo dolar.

Marwo Kate Foster oo Wareysi dhinacyo badan taabanaya siisay Goobjoog  ayaa ugu horeyn ka hadashay doorka UK ay ku leedahay Doorashooyinka dalka Ka socda.

UK kaalin kuma laha sida doorashada u dhaceyso waana arrin ay u madax bannaan yihiin dadka Soomaaliyeed, Waxaan isleeyahay annaga waxyaabana aan daneyno waa ilaalinta horumarka Soomaaliya ay sameysay 10kii sano ee ugu dambeeyey gaar ahaan guusha laga gaaray deyn cafinta iyo horumarka laga gaaray sidii loo heli lahaa dhaqaale ka yimaada caalamka si gaar ah caafimaadka iyo waxbarashada, Soomaaliyana waxay ku taagan tahay waddadii ay u xaqiijin lahayd deyn cafintaas, marka waxaan isleeyahay waxa annaga naga quseeya doorashooyinka waa inay u dhacaan si xasilloon iyadoo dib loo eegayo marxaladihii la soo maray iyo heshiisyadii laga gaaray, marka waxaan isleedahay arrintaas waa muhiim waana mid keeneysa in hore loo sii socdo annagana waxaan taageereynaa heshiiskii la gaaray Sep 17 iyo 27 May iyo hoggaanka ra’iisulwasaaraha oo tixgelinaya heshiisyadaas la gaaray, Waxaan sidoo kale qeyb ka qaadanay innagoo la kaashaneyna deeqbixiyaal kale qarashaad dowladda la siiyey oo gaareysa 7.2 million oo doollarka Mareykanka ah loona saxiixay usbuuc ka hor, sidoo kale waxaan si gaar ah deeq aan ku taageereyno siinnay dadka isu xilqaamay shaqadan kuwaas oo xoojinaya sidii haweenku kaalin uga qaadan lahaayeen doorashooyinka taasoo ah wax aad u muhiim ah marka la eego xaqiijinta doorka haweenka iyo doorashooyinka.” ayeey tiri Kate Foster.

Dhinaca kale Kate Foster ayaa wax laga weydiiyay cabsida laga qabo in ay ururka Al-shabaab ay saameyn ku yeeshaan doorashada sanadkaan dalka ka dhaceyso.

Safiirka ayaana sheegtay in ay tahay walaac la qabo balse ay wax waliba ay macne u sameeynayaan hanaanka ergada ay wax u dooraneyso.

“Waa walaac jira waxaanse isleeyahay waxa muhiimka ah waa geeddi socodka ergada wax dooraneysa waxaana isleeyahay sida geeddi socodkaas u dhaco ayaa macne sameyneysa iyo hufnaanta geeddi socodkaas socda, waxaan isleeyahay inay jiri doonaan wadahadallo ay horkacayaan dadka Soomaaliyeed kaasoo ah sidii loo heli lahaa nidaam dadku ku codeeyaan oo ay dadka Soomaaliyeed aqbali karaan waana nidaam aan hadda ku jirin geeddi socodka socda ee doorashooyinka dalka. UK waxay hore u garab taagneyd doorasho qof iyo cod ah waana geeddi socod xal u noqonaya mustaqbalka walaaca jira, Waxaa xiiso leh doorashooyinka heer degmo ee Puntland kaasoo ah hal qof iyo hal cod natiijaduna waxay noqotay mid la aqbali karo dadkuna waxay dareemeen inay si toos ah u dooran karaan musharraxa ay doorbidayaan marka waxaan isleeyahay arrintaan waa wadahadal aad loogu baahan yahay in la yeesho kaddib dhammeystirka doorashadan.” ayeey tiri markale Kate Foster.

Goobjoog ayaa sidoo kale Safiirka UK ee Muqdisho wax ka weydisay Eedeymo la xiriira wax isdaba marin oo ka dhacay doorashooyinka Aqalka sare ee maamulada qaar iyo cabsida ay UK ka qabto arrimaha Musuq in uu hareeyo doorashada.

Mss Kate ayaa kaga jawaabtay su’aasha waxa ayna tiri “Marka hore waa muhiim in geeddi-socodka doorashadu uu billawday waana soo dhaweyneynaa doorashada Aqalka Sare, sida aad sheegayna hadda waxaa billaabanaya doorashada Aqalka Hoose waana in geeddi-socodkaas uu u dhacaa si wanaagsan oo ergada loo soo xulaa qaab cad oo caddaalad ah waxaana jira inta dootashadu socoto kormeereyaal indhaha ku haya waxa soconaya waxaana ogahay in ra’iisulwasaaraha iyo madaxweyneyaasha maamul goboleedyada ay ka wadahadlayaan geeddi-socodka doorasho ee dalka, sababta deeqbixiyaashu ay qarashka ugu bixinayaan doorashooyinka waa in la xaqiijiyo sidii loogu heli lahaa amni la isku halleyn karo goobaha doorashooyinku ka dhacayaan lagana hortago cabsi dib u dhigi karta.”

Danjiraha dowladda Ingiriiska u fadhisa dalka Soomaaliya ayaa sidoo kale waxa ay sheegtay in haddii ay Soomaaliya ay ka baxaan AMISOM ay jiri karto cabsi laga qabo wixii ka dhacay Afghanistan.

“Waxaan isleeyahay xaaladda ka jirta Afghanistaan waa mid ay hadal hayeen usbuucaan dadka Soomaaliyeed waxaana jira casharro ay tahay in laga barto iyo meelo ay xaaladdaas uga egtahay midda ka jirta Soomaaliya, waxaan u xaqiijinayaa dadka inuusan jirin qorshe dhow oo ay AMISOM ku baxayso laakiin waxa uga deggan arrintaan Golaha Ammaanka waa in si nidaamsan oo horumarsan hoggaanka amniga looga wareejiyo AMISOM loona wareejiyo dowladda Soomaaliyeed waxaana jira wadahadallo ay yeesheen dowladda Soomaaliya iyo Midowga Africa oo tilmaamaya sidii qorshahaas u meelmari lahaa markaas AMISOM waxay ka qeybqaadaneysaa la talinta iyo tababarridda ciidamada ammaanka Soomaaliyeed si loo gaaro waqti ay ciidamadu amniga la wareegi lahaayeen waana sida ay hadda wax u socdaan”, ayeey tiri Kate Foster oo ah safiirka dowladda Ingiriiska U fadhisa Soomaaliya .

Hoos ka Daawo Wareysiga Goobjoog ay ka qaadday Safiirka UK ee Soomaaliya